Ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa…
15 October, 2026
Ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la wareegey degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib dagaal ay kula galeen ciidamada DFS iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubno katirsan wasiiradii Laftagareen oo warbaahinta kula hadlay bartamaha degmada, ayaa xaqiijiyey in ciidamadoodu ay xoog kula wareegeen guud ahaan degmada Buurhabaka, ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Madaxweyne Aadan Madoobe.
Waxa ugu baaqeen shacabka degmadaasi inay la shaqeeyaan maamulka, isla markaana ay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo midnimadooda, iyagoo boorriyey dadka deegaanka inay ka qayb qaataan dadaallada lagu sugayo amniga.
Ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa horay ula wareegey degmada degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, iyagoo weeraro aan guulaysan in ka badan 4 jeer ku qaaday Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Explore more on these topics
