Guddiga culimada maxkamad kiisaska ku qaadda Shareecada Islaamka ayaa maanta Magaalada Galkacyo ugu fariisatay dhageysiga dacwad…
17 October, 2026
Guddiga culimada maxkamad kiisaska ku qaadda Shareecada Islaamka ayaa maanta Magaalada Galkacyo ugu fariisatay dhageysiga dacwad la xiriirta wiil ay laba qoys isku haysteen tan iyo sannadkii 2024-kii, khilaafkaas oo la sheegay inuu sababay dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca 21 kale, sida ay xogta la helay muujinayso.
Xaliimo Yuusuf Maxamed oo ah hooyada dhashay wiilka yar ayaa sheegtay in iyadoo miyirkeedu taam yahay aysanna cidna khasbin ay caddaynayso in wiilkeedu uu yahay in Libaan Xaaji Tahliil oo ay sheegtay inay isguursadeen bishii 7aad ee sanadkii 2006 ayna kala tageen bishii 7aad 2010 ayna 3 bilood kadib isguursadeen Faarax Cawil oo ay kala tageen 2013 aysanna wax awlaad ah u dhalin.
Sidoo kale, wiilka ayaa maxkamaddu khadka taleefanka kula xiriirtay, waxaana uu sheegay inuu abtirsiin ahaan yahay Ina Libaan Tahliil Xaaji, waxaana maxkamadda la horkeenay markhaantiyaal ka kala socdey labada dhinac & qareemo u kala doodayey oo soo bandhigay caddaymo kala duwan.
Khilaafkan oo soo jiitamayay tan iyo 2024-kii ayaa la sheegay inuu sababay khasaare naf oo ka kooban dhimashada 7 ruux iyo dhaawaca 21-ka kale, oo ay saamaysay xiisad ka dhalatay labada qoys ee isku haystay wiilka yar ee maanta kiiskiisa Maxkamadda la horgeeyey, iyadoo berry loo ballamay dhegaysiga fadhiga labaad ee maxkamadda.
Explore more on these topics
