Ciidamada badda Puntland ee PMPF oo maalmihii la soo dhaafay laba jibbaaray hawl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka…
14 October, 2026
Ciidamada badda Puntland ee PMPF oo maalmihii la soo dhaafay laba jibbaaray hawl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka xeebaha ayaa gacanta ku dhigan 3-Doonyood oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaayey Xeebaha Puntland, kuwaas oo laga leeyahay dalka Iran.
Doonyahan ayaa lala qabtay in ka badan 60 qof oo ahaa shaqaalaha saddexda doonyood, ayaa la xaqiijiyey inay sifo sharci darro ah kaga kalluumaysanayeen xeebaha gobolada gobolka Raas-casayr oo ay bulshadu muddooyinkii dambe siweyn uga cabanayeen jariifka badda.
Saraakiisha ciidanka badda dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in doonyaha iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa loo gudbiyey degmada Caluula ee gobolka Raas-casayr, halkaas oo lagu marindoono habraacyada sharciga ah ee khuseeya kalluumaysiga sharci-darrada ah.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Ciidamada PMPF ay ku xaqiijinayaan amniga xeebaha Puntland, ilaalinta khayraadka badda, ka hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo la dagaalanka falalka burcad badeedda.
Explore more on these topics
