GAROOWE: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddo dheer safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa…
23 October, 2026
GAROOWE: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddo dheer safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimce ah diyaarad khaas ah ku soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ayaa Puntland ka maqnaa muddo 41 cisho ah intii u dhexaysay 12 Sep ilaa 23 Oct 2026, xilligaasi oo uu isu maray dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo uu hadda ka soo socdaalayo.
Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay arrimaha siyaasadeed, dastuurka iyo doorashooyinka Soomaaliya ayna Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya shaacisay jadwalka doorashooyin qof iyo cod ah oo ay qaadeceen dhinacyada siyaasadda dalka.
Madaxweyne Deni ayaa lafilayaa inuu 25 Oct Magaalada Garoowe ka furo kal-fadhiga golaha wakiilada iyadoo ay Puntland wajahayso caqabado dhaqaale, mushahar la’aan sahqaale iyo roobab khasaare geystey oo ka da’ay qaybo kamid ah gobolada dalka.
