Dowladda Masar ayaa qorshaynaysa inay Sucuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta dalka Yemen, kaddib…
18 October, 2026
Dowladda Masar ayaa qorshaynaysa inay Sucuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta dalka Yemen, kaddib markii Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, uu xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan taageero la siin karo Riyadh haddii loo baahdo.
Masar ayaa hore uga mid ahayd isbahaysigii milatari ee Sacuudigu hoggaaminayay ee faragelinta ku sameeyay Yemen sannadkii 2015-kii, iyadoo doorkeedu xoogga saarayey ilaalinta amniga marinnada maraakiibta ee Badda Cas, halkii ay si ballaaran uga qayb qaadan lahayd dagaallada dhulka.
Xiisaddan ayaa sii xoogaysatay tan iyo bishii Luulyo 2026, markii dagaalka Yemen uu dib u qarxay, iyadoo Xuutiyiintu ay kordhiyeen weerarrada ay ku beegsanayaan xarumaha tamarta iyo goobaha muhiimka ah ee Sacuudiga oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalkaasi.
Duqaymihii Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee Riyadh ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan, halka Sacuudigu uu qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan gudaha Yemen.
