Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka ee…
16 October, 2026
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka ee ay shaacisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, isaga oo ka digay in hannaanka lagu muransan yahay uu horseedi karo doorashooyin isbarbar socda iyo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaysta.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in jadwalkaas uu hal dhinac yahay, isla markaana uu khatar ku yahay xasilloonida siyaasadeed iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna mas’uuliyadda khilaafka siyaasadeed dusha ka saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku baaqay in laga fogaado tallaabooyinka sii hurinaya ismaandhaafka.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay Maxkamadda Sare inay si madax-bannaan oo caddaalad ah u qaaddo dacwadda dastuuriga ah ee uu ka gudbiyey wax-ka-beddelka Dastuurka, si loo ilaaliyo sarreynta sharciga, qarannimada iyo midnimada dalka, isagoo u dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay galaan wada-hadal dhab ah oo lagu gaarayo heshiis qaran iyo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa jadwalka doorashooyinka halka dhinac ah ee maanta la shaaciyey, waxaana ka digayaa hannaankaas lagu muransanyahay oo horseedi kara doorashooyin isbarbar socda, dib-u-dhac dowladeed, kala qaybsanaan siyaasadeed, colaado sokeeye iyo khatar ku timaadda jiritaanka dowladnimada Soomaaliya”, Ayuu yiri Sheekh Shariif.
Ugu dambayn, Sheekh Shariif ayaa saaxiibbada caalamiga ah ugu baaqay inay gacan ka geystaan xal u helidda khilaafka siyaasadeed, isaga oo ku adkeystay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhiso caddaalad, heshiis qaran iyo doorashooyin loo dhan yahay, halkii lagu salayn lahaa go’aanka shaqsi ama koox siyaasadeed.


