Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub…
15 October, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda oo ay hirgalinayso Jaamacadda Simad, taasi oo lagu horumarinayo waxbarashada sare, Cilmi-baarisyada iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo dhagax-dhigga kadib ka hadlay munaasabad kooban oo ka qabsoontay goobta loo asteeyay in laga hirgaliyo dhismaha ayaa sheegay in Jaamacadaha iyo hey’adaha waxbarashadu ay yihiin albaabka isbbeddelka iyo horumarka bulshada, isaga oo xusay in aqoontu tahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbalka ummadda. Waxa uu adkeeyay mudnaanta ay leedahay in la helo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, kana qeyb-qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka Jaamacadda Simad iyo maamulkeeda, oo dadaal badan ugu jira ballaarinta fursadaha waxbarashada, isaga oo sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay qeyb ka tahay in dalka laga hirgaliyo Jaamacado iyo dugsiyo tayo leh oo soo saaraya aqoon, xirfado waafaqsan baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.
“Waxaan bogaadinayaa Jaamacadda Simad dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta waxbarasada gaar ahaan Sayniska, Tiknoolojiyadda, Cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah. Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed maanta waxa uu baahi u qabaa in ay helaan xareun lagu horumariyo Tiknoolojiyadda iyo Sayniska, waxaa Alle mahadiis ah in maanta ay soo kordhisay Jaamacadda Simad. Waxa aan rajeynaya in ay sii xoojiso isku xirka aqoonta iyo baahiyaha bulshada, si loo helo jiil Soomaaliyeed oo aqoon, karti iyo hal-abuur u leh dhismaha mustaqbalka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mashruucan oo loo dhisayo hab casri ah, ayna iska kaashanayaan hey’adda Direct Aid, iyo Jaamacadda Simad, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo abuurista jawi ku habboon in barashada Sayniska iyo Tiknoolojiyadda, Xaruntan ayaa door weyn ka qaadan doonta horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada xawliga ka socda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa dhinaca kale ammaanay dadaallada hey’adaha amniga iyo shacabka caasimadda ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, isaga oo tilmaamay in nabadda iyo xasilloonidunay muhiim u yihiin kobaca waxbarashada, maalgashiga iyo horumarka guud ee dalka iyo dadka.
