Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku…
17 October, 2026
Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku tegey Markabka laga lee yahay dalka Turkiga ee Çağrı Bey, oo shidaal qodis ka wada xeebaha Soomaaliya gaar ahaan meel qiyaastii 250 Mayl dhanka Koonfureed kaga began xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa diyaarad nooca helicopter-ka ah oo ka soo kacday Markab dagaal oo Turkigu lee yahay ay ka qaadday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo ku dejisey dusha-sare ee Markabka Çağrı Bey, oo ay ku qaabileen Mas’uuliyiin katirsan shirkadda shidaal qodista samaynaysa iyo kuwa dhanka ammaanka ah oo ka socda xukuumadda Ankara.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynuhu u kuurgalay shaqada shidaal qodista ee markabka Çağrı Bey wado iyo guulaha laga gaarey soo saarista shidaalka ku duugan ceelka Curad ee xeebaha Galmudug, waxaase safarka ka dhashay hadalhayn xooggan kadib markii muuqaalada & sawirrada Madaxweynaha laga qaaday laga waayo qof Soomaali ah oo socdaalka ku weheliyey.
Guud ahaanba waxaa goobta ka maqnaa Wasaaraddii Batroolka, Hay’adihii arrimaha khayraadka dabiiciga ah qaabilsanaa, saraakiishii Madaxtooyada, agaasinkii baratakoolka Madaxtooyada iyo xitaa ilaaladii gaarka ahayd ee Madaxweynaha iyadoo, taasi oo su’aal gelisey kalsoonida lagu qabi karo shaqada socota, sababaha keenay aan loo ogolaan hay’adaha ku shaqada leh iyo kalsoonida Madaxweynuhu ku qabi karo raacitaanka diyaarad dowlad kale lee dahay.
Explore more on these topics
