Imaaraadka Carabta ayaa duqaymo cirka ah ka fuliyey marinka buuraha Galgala ee Puntland, halkaas oo lagu…
22 October, 2026

Imaaraadka Carabta ayaa duqaymo cirka ah ka fuliyey marinka buuraha Galgala ee Puntland, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waana duqaymihii ugu horreeyey ee Imaaraadku ka fuliyo waqooyiga Soomaaliya tan iyo bishii November 2025, sida ay Arbacadii saraakiil amni ugu sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadka ayaa Isniintii iyo Talaadadii hawlgallo sahamin ah ka sameeyey aagga buuraha Galgala, kaddib markii la helay xogta dhaqdhaqaaqyada kooxda Alshabaab ee ku sugayn qaybo kamid buuraleeyda Calmadaw ee gobolka Bari.
Warbixinta ayaa lagu xusay in duqaynta lala beegsaday afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo miinooyin ku aasayay waddo ku taalla aagga la weeraray, iyadoo ay weerarka cirka ah garab socdeen ciidamo lug ah oo toogtey qayb kamid ah kooxdaasi.
Buuraha Cal-Madow iyo aagga Galgala ayaa muddo dheer ahaa deegaanno ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo halkaas ka samaystay goobo ay ka abaabulaan dhaqdhaqaaqyadooda.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada Puntland ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha hubaysan ee ku sugan dhulka buuraleyda ah. Hase yeeshee, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha guud ee weerarka iyo in duqeyntu qayb ka tahay qorshe hawlgallo oo ballaaran weli laguma sheegin xogta ay AFP baahisay.
